Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Wafdi Balaaran oo uu Hogaaminaayo ayaa waxaa ay gaareen Magaalada Garoowe Ee xarunta Maamulka Puntland Shariif Xasan siikh Aadan iyo Wafdiga uu Hogaaminayay ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Garoowe Kusoo Dhaweyay Madaxwenaha Maamulka Puntland Cabdi Wali Maxamed Cali gaas Iyo Masuuliyiin ka Tirsan Maamulka Puntland
Wafdiga ka Socda Maamulka koonfur galbeed soomaaliya ee uu hogaaminayay madaxweynaha maamulkaasi Shariif xasan shiikh aadan ayaa waxaa loo galbiyay Xarunta madaxtooyadda maamulka Puntland
Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan shiikh Aadan ayaa waxaa uu ka qeyb Gali Doonaa Shir Looga Hadlaayo Federaalka oo halkaasi ka Furmi Doona














