SHEEKH SHAAKIR OO SI ADAG UGA HADLAY QARIXII CAWA KADHACAY GALKACYO

Sheekh Maxamed Shaakir Ali Hassan Madaxa Xukumada DGGM ayaa tacsi udiray Guud ahaan Dadkii kala duwanaa oo wax yeeladu Kasoo gaartay Mashaqadii Caawa Kadhacday Magaalo madaxda gobolka mudug ee Galkacyo qaybta Koofureed Taasoo Kooxda Alshabaab ay geesteen waana Ficil Kamida Ficilada guracan ee kooxdan oo ay ku dhibaateynayaan Shacabka Soomaaliyeed Diinteenuna aysan Jideeyn.

Sheekh Shaakir isagoo Kuhadlaya Magaca galmudug wuxuu naxariista eebe uweydiinayaa Shuhadadii caawa kudhimatay qarixii kadhacay galkacyo wuxuuna caafimaad Deg Deg ah urajeynayaa dadkii ku dhaawacmay weerarkaas.

Ugu Danbeyn’ madaxa Xukumada wuxuu haayadaha Amniga ee Magaalada galkacyo ugu baaqayaa inay gacan bir ah kuqabtaan amniga magaaladaas Muujiyaana feejignaan dheeraada dhacdadaana baaritaan deg dega lagu sameeyo si looga guuleeysto Kooxaha Argagixisada ah.