Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa ka hadlay hanaanka ay dowladda Federaalka Soomaaliya u wajahday diiwaan-gelinta codbixiyayaasha dadweynaha ee ka socda degmooyinka gobolka Banaadir, gaar ahaan khilaafka ka taagan degmada Kaxda.
Sheekh Shariif ayaa sheegay in ay nasiib darro tahay hab-dhaqanka madaxda dowladda Federaalka oo lagu kala soocayo bulshada caasimadda, iyadoo qaar ka mid ah degmooyinka Muqdisho laga saarayo geedi-socodka doorashada, sida degmada Kaxda oo dadkeedu ka mid yihiin canshuur bixiyeyaasha dowladda.
Wuxuu sidoo kale cambaareeyay in shacabka degmada Kaxda, oo la ogyahay in loo diidan yahay xaquuqdooda degmanimo, haddana loogu daray cadaadis bulsho iyo in la rabo in qori caaradiis loogu qasbo isdiiwaangalin hubeysan iyo hannaan doorasho oo hal dhinac ah.
Sheekh Shariif wuxuu xusay in uu mar walba garab taagan yahay xaqa muwaadiniinta Soomaaliyeed ay u leeyihiin ka qaybgalka doorashooyin xor iyo xalaal ah oo loo siman yahay.
Ugu dambeyn, wuxuu digniin u diray guddiga doorashooyinka lagu muransan yahay, isagoo ugu baaqay in ay ka waantoobaan cadaadiska ay saarayaan shacabka caasimadda oo hadda muuqata in lagu qasbayo hannaan doorasho oo aan heshiis lagu ahayn.














