Muqdisho – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, isagoo si adag uga hadlay xaaladda amni, cadaadiska saxaafadda, iyo caburinta xorriyadda hadalka ee ka jirta caasimadda.
Sheekh Shariif ayaa si cad u cambaareeyay tallaabooyinka lagu bartilmaameedsanayo wariyeyaasha iyo warbaahinta madaxa-bannaan, isagoo ku tilmaamay ficilladaasi kuwo lid ku ah dimuqraadiyadda iyo dowladnimada Soomaaliyeed.
Isagoo hadalkiisa sii wata, Sheekh Shariif wuxuu sheegay in xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida saxaafadda ay yihiin tiirar muhiim ah oo dowlad kasta ay ku dhisan tahay, wuxuuna carabka ku adkeeyay in aan marnaba la aqbali karin in saxafiyiin la caburiyo ama la handado sababo siyaasadeed dartood.
Madaxweynihii hore wuxuu ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya in ay ilaaliso xuquuqda saxafiyiinta, joojisana faragelinta tooska ah ee lagu hayo warbaahinta xorta ah, isagoo xusay in xorriyadda warbaahinta ay ka mid tahay waxyaabaha caalamka looga qiimeeyo dowlad wanaagga.
Sheekh Shariif ayaa si gaar ah madaxtooyada Soomaaliya ugu eedeeyay in ay caburin iyo caga jugleyn ku hayso warbaahinta madaxa-bannaan, wuxuuna sheegay in arrintaasi aan la aqbali karin. Wuxuu sidoo kale dowladda ka dalbaday in ay ka waantoowdo damaca ay ku wiiqayso xorriyadda saxaafadda.
Hadalkan ayaa imaanaya xilli warbaahinta gudaha ay wajahayaan cadaadis isa soo taraya, iyadoo qaar ka mid ah wariyeyaasha si gaar ah uga warama arrimaha siyaasadda iyo amniga dalka la kulmayaan cabsi iyo culeys joogto ah.














