Dawladda Shiinaha ayaa qaaday tallaabo cusub oo dhiirrigelin ah, taasoo ah in waalidiinta leh carruur da’doodu ka yar tahay saddex sano la siin doono taageero lacageed sanadle ah oo dhan 3,600 yuan, una dhiganta ku dhawaad $500. Barnaamijkan ayaa ah kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee lagu taageerayo qoysaska, wuxuuna qayb ka yahay dadaallada ay dowladda Shiinaha ugu jirto kordhinta heerka dhalmada ee dalka.
Go’aankan ayaa yimid iyadoo heerka dhalmada ee Shiinaha uu si weyn hoos ugu dhacay sanadihii la soo dhaafay, xitaa kadib markii Xisbiga Shuuciga ah ee haya talada dalka uu joojiyay siyaasaddii “hal cunug” ahayd ee dalka ka jirtay muddo tobanaan sano ah. Inkasta oo la oggolaaday in qoysasku dhali karaan laba ama xitaa saddex cunug, haddana dhaqaalaha koraya iyo culaysyada nolosha ee ka jira dalka ayaa laga dhaxlay in dhalmada sii yaraato.
Sida ay baahisay warbaahinta dowladda, taageeradan cusub ayaa la filayaa inay caawin doonto ku dhawaad 20 milyan oo qoys, iyada oo ujeedadu tahay in la fududeeyo kharashaadka ku baxa tarbiyadda iyo korinta carruurta yaryar. Gargaarkan ayaa noqon doona mid sanad walba la bixiyo, waxaana waalidiinta laga filayaa inay helaan wadar dhan ilaa 10,800 yuan inta lagu jiro saddexda sano ee ugu horreysa nolosha ilmahooda.
Gobollo badan oo dalka ka mid ah ayaa hore u bilaabay tijaabooyin la mid ah barnaamijkan, si loo hubiyo in dhiirrigelinta dhaqaale ay wax ka tari karto kororka tirada dadka. Dhinaca kale, dhaqaale-yahannada iyo siyaasiyiin badan ayaa muujiyay walaac ah in hoos u dhaca dhalmada uu horseedi karo saameyn dhaqaale oo ballaaran, maadaama uu dalka Shiinaha yahay kan labaad ee ugu weyn dhaqaalaha dunida.
Barnaamijkan cusub ayaa si rasmi ah loo bilaabay Isniintii, waxaana la filayaa in si joogto ah loo hirgeliyo laga bilaabo horraanta sannadkan 2025, sida uu sheegay telifishinka qaranka ee CCTV. Dowladda Shiinaha ayaa hadda rajaynaysa in tallaabadani ay kaalin wax ku ool ah ka qaadato yareynta dhibaatada tirada dadka oo sii yaraanaysa, taas oo khatar ku ah mustaqbalka shaqaale-dhaqaaleedka iyo nidaamka caymiska bulshada ee dalka.















