Shiinaha oo laga daawadey Film soomaali leedahay.

Filim Soomaali ah oo markii ugu horreysay laga daawaday tiyaatar Shiinaha – Taariikh cusub oo laga sameeyay magaalada Changsha

Magaalada Changsha ee dalka Shiinaha waxaa lagu qabtay dhacdo taariikhi ah oo farxad iyo xusuus gaar ah u leh dadka Soomaaliyeed, kadib markii filim Soomaali ah markii ugu horreysay si rasmi ah looga daawaday tiyaatar kamid ah kuwa ugu waaweyn ee dalkaasi.

Filimka la daawaday wuxuu ahaa “The Gravedigger’s Wife” oo uu sameeyay filim-sameeyaha Soomaaliyeed Khadar Aydarus Ahmed. Waa filim xambaarsan sheeko jacayl, sabir iyo naf-hurnimo, oo si qiiro leh uga warramaya nolosha qoys Soomaaliyeed oo la tacaalaya duruufo nololeed oo adag. Filimkan ayaa qeyb ka ahaa barnaamijka Todobaadka Filimada Afrika iyo Shiinaha, oo sanadkan lagu qabtay magaalada Changsha.

Bandhigga ayaa noqday mid si weyn loo xiiseeyay, iyadoo hoolka tiyaatarka uu ka buuxsamay daawadayaal Shiine ah, gaar ahaan dhalinyaro, kuwaas oo si kalgacal leh ula socday filimka oo af-Soomaali ku baxayay. Dadkii daawanayay waxay muujiyeen faham iyo xiise gaar ah oo ay u qabaan dhaqanka Soomaaliyeed iyo sheekooyinka nolosha dhabta ah ee laga tebiyo Bariga Afrika.

Safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha ayaa door muuqda ka qaadatay hirgelinta iyo fududeynta in filimkani, iyo laba filim oo Soomaali ah oo kale – “The Night Thief” iyo “Will My Parents Come to See Me” – ay qeyb ka noqdaan bandhigga. Waxaa sidoo kale munaasabadda si rasmi ah uga qeyb gashay Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Osman Abdi, oo si kalgacal leh ula falgashay daawadayaasha, isla markaana ka jawaabtay su’aalo ay weydiiyeen kadib daawashada filimka.

Danjire Hodan ayaa uga mahadcelisay guddiga qabanqaabada China-Africa Film Week, iyo Abdirahman Fiili, oo dadaal weyn geliyay in filimada Soomaaliyeed la gaarsiiyo tiyaatarada Shiinaha. Waxay ku tilmaantay arrintan fursad qiimo leh oo lagu kobcinayo xiriirka dhaqameed iyo bulsho ee labada dal.

Safaaradda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto taageeridda dadaallada noocan oo kale ah, si dhaqanka, suugaanta iyo hal-abuurka Soomaaliyeed loo gaarsiiyo meelo ka baxsan xuduudaha dalka, isla markaana loo xoojiyo is-dhexgalka iyo is-fahamka bulshada Soomaaliyeed iyo tan Shiinaha.