Waxaa maalinta berri ah oo ku beegan 16-ka bishaan ka furmaya magaalada Muqdisho gogoshii uu dhawaan ku baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.
Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya wufuud kala duwan oo ka kala imaanaya gudaha dalka iyo dibadda. Dhanka kale, diyaar-garowgii ugu dambeyay ee gogosha ayaa meel gaba-gabo ah maraya, waxaana howlaha qaban-qaabada si toos ah u wado guddi gaar ah oo xukuumaddu u xilsaartay taabbagalinta shirka, sida ay sheegtay dowladda Federaalka Soomaaliya.
Gogoshan ayaa madaxda qaranku ay wadatashi la yeelan doonaan indheergaradka Soomaaliyeed, iyadoo xoogga la saarayo arrimaha mudnaanta u leh Qaranka, oo ay ka mid yihiin: midnimada dalka, amniga, dastuurka iyo doorashooyinka.
Inkasta oo maanta uu qorshuhu ahaa in shirka la qabto, haddana shirka wuu baaqday, waxaana weli mugdi ku jira xogta rasmiga ah ee ku saabsan xubnaha si rasmi ah uga qeyb geli doona iyo qodobada xasaasiga ah ee laga doodi doono.
Dhinaca kale, siyaasiyiinta mucaaradka ayaa si cad uga horyimid qabsoomidda shirka, iyagoo shuruud uga dhigay in si cad loo caddeeyo ajandaha shirka, iyo in maamulka Puntland iyo Jubbaland si rasmi ah loogu soo daro miiska wadahadalka.














