Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose Maxamed Cabdiraxiin ayaa shir-gudoomiyay kulan looga hadlayay Amniga Baraawe,waxaana ka qeybgalay Taliyaha Ciidanka Booliska Koonfur galbeed saraakiisha amaanka Baraawe iyo gudoomiye ku xigeenada Gobolka.
Guddoomiyaha ayaa hey’adaha amaanka ku adkeeyay inay sugaaan amaanka kana hor-tagaan wax kasta oo carqaladeenaya amaanka.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in kulanka ay siweyn ugu falan qeeyeen dagaalkii degmada Baraawe ku dhexmaray Ciidamada Ammaanka iyo maleeshiyaadka hubeysan uyo sidii xal looga gaari lahaa.
Ugu dambeyn Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose Maxamed Cabdiraxiin waxaa uu sheegay inay isku raaceen laamaha Amniga in siwadajir ahooga wada qeyb qaato sugida amniga doorashada Golaha Shacabka ee lagu qabanayo degmada Baraawe.
Maalin ka hor ayay aheyd markii degmada Baraawe uu ka dhacay Ciidamada Ammaanka iyo maleeshiyaad kasoo horjeeday habka loo maray dhismaha Golaha degaanka degmadaas.














