Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe, Mudane Maxamuud Maxamed Nuur, iyo Wasiirka Wasaaradda Dib u Heshiisiinta ee Dowlad-goboleedka Hirshabelle, Mudane Cabdullaahi Cadde, ayaa si rasmi ah uga furay degmada Warsheekh shir dib u heshiisiin ah oo loogu talagalay beelo walaalo ah oo dhawaanahan isku gacan saaray deegaano hoostaga degmadaas. Shirkan ayaa ah mid muhiim ah oo lagu xoojinayo nabadda, dib-u-wada-hadalka, iyo isku soo dhowaanshaha bulshada deegaanka oo ay colaaddu saameyn ballaaran ku yeelatay.
Furitaanka shirka waxaa goob joog ka ahaa xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hirshabelle, guddoomiyaasha degmooyinka Warsheekh iyo Balcad, laamaha amniga ee gobolka, iyo mas’uuliyiin kale oo heer gobol iyo degmo ah. Muuqaalka guud ee shirka ayaa ahaa mid muujinaya rabitaan dhab ah oo loo qabo in xal waara laga gaaro khilaafaadka soo noqnoqday ee u dhexeeya beelaha walaalaha ah, si loo sugo xasiloonida gobolka loona helo bulsho nabad ku wada noolaata.
Shirka dib u heshiisiinta ayaa diiradda lagu saaray isu keenidda odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka labada dhinac ee ay colaaddu dhexmartay. Waxaa la sameeyay gogol nabadeed oo rasmi ah, taasoo fursad u siisay in si furan loo dhageysto cabashooyinka, tabashooyinka, iyo baahiyaha dhabta ah ee sababay is-mari waaga. Mas’uuliyiintu waxay ku booriyeen labada dhinac in ay muujiyaan is-afgarad, dulqaad iyo rabitaan dhab ah oo nabadeed, si loo gaaro heshiis waara.
Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe, Mudane Maxamuud Maxamed Nuur, ayaa intii uu shirku socday ka jeediyay hadal dhiirrigelin iyo waano isugu jira. Wuxuu labada dhinac ugu baaqay in ay qaataan heshiis nabadeed oo dhab ah, una soo afjaraan colaadda muddooyinka soo noqnoqotay dhibaato ku ahayd dadka deegaanka. “Waxaan idinka codsaneynaa in aad fursaddan ka faa’iideysataan, oo aad noqotaan beelo is cafiya, colaaddana lagu xiro halkii ugu dambeysay,” ayuu yiri Guddoomiyuhu.
Sidoo kale, Wasiirka Dib u Heshiisiinta Hirshabelle, Mudane Cabdullaahi Cadde, ayaa isna muujiyay sida ay dowlad-goboleedka uga go’an tahay in laga shaqeeyo nabad waarta iyo iskaashi dhex mara beelaha walaalaha ah. Wuxuu sheegay in dowladdu ay diyaar u tahay in ay kaalinteeda ka qaadato hirgelinta heshiis kasta oo ka dhasha shirkan, ayna la shaqeyn doonto labada dhinac si loo xaqiijiyo in nabadda ay noqoto mid miro dhal ah oo sal adag ku fadhida.
Shirkan dib u heshiisiinta ee Warsheekh ayaa noqonaya mid ka mid ah shirarkii ugu muhiimsanaa ee lagu qabto gobolka Shabeellaha Dhexe tan iyo markii ay ka dillaaceen khilaafaadka beeleed ee saameeyay deegaanka. Waxaa la filayaa in gunaanadka shirkan ay kasoo baxaan go’aamo muhiim ah iyo heshiisyo ay labada dhinac si rasmi ah u saxiixaan, kuwaasoo horseedi kara nabad iyo is-afgarad dhexmara bulshada deegaanka.














