Shir looga hadlayay Amniga oo lagu qabtay Gobolka Gedo

Shirka khamiislaha oo inta badan looga hadlo Nabadgalyada iyo amniga deegaanada Dawa ayaa lagu qabtay Degmada Dolow ee Gobolka Gedo.

Taliyaha Ciidanka Nabad Sugida Gobolka Gedo Cabdiraxmaan Cabdulaahi Aadan Bakaal Kooke oo shir gudoominayey ayaa waxaa ka qeyb galay qaar ka mid ah sarakiil xigeenada Ciidamada Booliska Asluubta Nabad Sugida Heer Gobol mid Degmo, Maamulka Dolow iyo sidoo kale Boholgaras Gedweyne

Waxaana Taliyayaashii kala duwanayd laga dhagaystay warbixino la xiriira amaanka iyo nabada iyadoona la is faray in la sii labo jibaaro shaqooyinka Ciidamada bulshada ay u hayaan.