Wasiirka Wasaarada Qorsheynta ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta shir gudoomiyey shir looga hadlayey Mashruuc deegaan loogu sameynayo Dadka Barakacayasha iyo kuwa dib usoo laabtey ee ku sugan Degmada Baydhabo.
Waxaana Shirka Qeyb ka ahaa oo kasoo qeyb galey qaar kamid ah Golaha wasiiradda: wasiirka caafimaadka,
Waxbarashada, Tamarta & biyaha; Gudomiyaha Gobolka Bay, Duqa Degmada Baydhabo, Gudoomiyaha gudiga Barakacayaasha & Qaxootiga; hay’adaha UNHCR, INTERSOS, WFP, FAO & kuwo kale.
Kulankan ayaa wuxuu qeyb ka’ahaa dadaalo ay wadey wasaarada Qorsheynta oo xal-waaro loogu raadinayo Dadka barakacayaasha ah ee degan Hareeraha Baydhabo.




















