Shir looga hadlayo Arrimaha Abaaraha oo furmay

Waxaa teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho Maanta oo Isniin ah ka furmay Shirwaynaha Qaran ee Gurmadka Abaaraha kajira qaar kamid ah Gobolada dalka Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa daah furay Ra’iisul Wasaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ay wehliyaan qaar ka mid ah golihiisa wasiirada , Waxaana ka qayb galay xubno ka socda Midowga Musharixiinta gaar ahaan Madaxwaynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame, iyada oo Aalada Zoomka uu uga qeyb galay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Sidoo kale shirka waxaa ka qayb galaya Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed, Culuma udiin, Ganacsato, Aqoonyahano, ururada waxbarashada , qaar ka mid ah agaasime yaasha warbaahinta dalka ururka haweenka qaranka iyo Marti kale .

Shirka inta uu socdo ayaa madaxda maamul gobaleedyada dalka waxa ay uga qayb galayaan alaadda Fogaan araga ee ZOOM-ka , Sidoo kale waxaa shirka khudbad ka jeedinaya madaxwaynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud.