Shirka Labadii isbuucba mar lagu qabto magaalada Muqdisho ee ku saabsan Xasilinta Deegaanada Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa ka qeybgalay wasiir ku xigeenka Wasaarada Armaha Gudaha Dowladaha Hoose Iyo Dib U Heshiisiinta Dowlad Goboleedka Soomaliyeed ee Koonfur Galbeed Mudane Mahaad Mohamed Ciise,wasaaradda arimaha Gudaha dowlada soomaliya iyo hay’adaha Deeqbixiyaasha
Shirka ayaa waxaa si wadajir ah u daadihinaya Wasaaradaha Arimaha Gudaha dowlada Federaalka iyo tan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Waxaa aad loogu eegaya arimaha Degmooyinka iyo Deegaanada gobolka shabeelaha hoose,


















