Shir Muqdisho uga furmay Hay’adaha Amniga Somalia & Madax ka socota Midowga Afrika

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Maanta uu shir uga furmay Madax ka socota Golaha Nabadda Midowga Afrika, kuwaas oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho & mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adaha Ammaanka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa goobjoog ka ah, Wasiirada Gaashaandhigga & Cadaaladda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji & Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac, Saraakiil ka tirsan hay’adaha Amniga Soomaaliya, Agaasimaha Maareynta Khilaafaadka Golaha Midowga Africa, Fiyoona Looran, Madaxa howlaha Nabadda Midowga Afrika, Taliyaha Ciidamada Booliska AMISOM & Madaxa Qeybta qorsheynta Howlaha ee Midowga Afrika.

Shirkaan oo socon doona mudo laba maalmood ah ayaa waxaa diirada lagu saarayaa qiimeyn ay Madaxda Midowga Afrika ku sameeynayaan Hay’addaha amniga Somaaliya inay diyaar u yihiin in AMISOM kala wareegaan amniga guud ee dalka.

Sidoo kale shirka ayaa waxaa looga hadlayaa inta ay qaadaneyso in Ciidamada AMISOM ay joogayaan dalka Soomaaliya si loo hubiyo awooda ay Ciidamada dowadda kula wareegi karaan guud ahaan amniga dalka.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda xilgaarsiinta Xasan Xuseen Xaaji ayaa shirka warbixin ka siiyay dib u dhiska ku socda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya iyo guulaha ay ka gaareen dagaaladii ugu dambeeyay oo ay la galeen Al-Shabaab.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa dhankiisa Madaxda Golaha Nabadda Midowga Afrika la wadaagay horumarka laga gaaray arrimaha Cadaaladda iyo Garsoorka iyo waxa ay hiigsanayaan.

Maalinta Berito oo khamiis ah ayaa waxaa la filayaa in la soo geba-gabeeyo shirka u dhaxeeyo Madaxda ka socota Golaha Nabadda Midowga Afrika & Hay’adaha Amniga Soomaaliya, iyada oo Warmurtiyeed laga soo saari doono.