Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed, Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud, wasiirka Cadaaladda XFS Xasan Xuseen Xaaji, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gan, Cabdi Xasan Maxamed Xijaar xubno ka tirsan xeer ilaalinta dowlad goboleedyada iyo masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galaya shirka.
Shirka inta uu socdo ayaa waxaa jiri doona doodo iyo cilmi baarisyo kala duwan oo lasoo bandhigi doono waxaana uu soconayaa muddo laba maalin ah.
Geba-gabada shirka ayaa waxaa la filayaa in laga soo saaro Warmurtiyeed ku saabsan waxyaabihii madaxda ay uga hadleen Shirka.














