Siyaasiyiinta ku bahoobay Madasha Mucaaradka Qaranka ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta shir muhiim ah ku leh magaalada Muqdisho. Kulankan ayaa lagu tilmaamay mid xasaasi ah oo go’aanno istiraatiiji ah laga filayo, iyadoo ay jiraan duruufo siyaasadeed oo taagan iyo wada-hadallo muhiim u ah mustaqbalka dalka.
Shirkan ayaa ku soo beegmaya, iyadoo la filayo in maalinta berri ah uu qabsoomo kulankii labaad ee ay la yeelanayaan Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, kadib markii ay 25-kii bishii Juun yeesheen kulankoodii ugu horreeyay oo hordhac u ahaa wada-hadalada labada dhinac.
Inta lagu guda jiro shirka Madasha Mucaaradka, waxaa xoogga la saaraya diyaarinta iyo isku dubaridka qodobbadii ay doonayaan in ay hor dhigaan Madaxweynaha, si ay uga wada xaajoodaan arrimaha la isku hayo. Warar xog ogaal ah oo aan ka helnay xubno ka tirsan Madasha ayaa sheegaya in kulanka maanta uu yahay mid si gaar ah loogu diyaarinayo mowqifyada rasmiga ah ee ay Mucaaradku doonayaan inay miiska soo saaraan marka wada-hadalka berrito bilowdo.
Kulankii hore ee labada dhinac dhex maray waxaa lagu heshiiyay ajande kooban oo ka kooban afar qodob, balse waxaa qodobadaasi ugu miisaanka culus laba arrimood oo kala ah:
-
Wax ka beddelka Dastuurka KMG ah, arrin uu madaxweyne Xasan Sheekh ogolaaday in laga yeesho wada-tashi qaran iyo dood furan oo qoto dheer ah.
-
Hannaanka Doorashooyinka Qaranka, oo la doonayo in la helo nidaam doorasho oo ay ku mideysan yihiin dhammaan dhinacyada siyaasadda si looga fogaado khilaaf hor leh.
Waxaa jirta arrin kale oo miisaan culus ku leh wada-hadalka labada dhinac, taasoo ah in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu mucaaradka u xilsaaray in ay xiriir la sameeyaan, islamarkaana wadahadalka ku soo daraan maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, kuwaas oo aan weli si rasmi ah uga qeybgalin shirarkii hore ee dowladda dhexe la lahayd siyaasiyiinta.
Xogihii ugu dambeeyay ayaa muujinaya in ay jireen xiriirro toos ah oo dhex maray hogaamiyeyaasha Madasha Mucaaradka iyo madaxda Puntland iyo Jubbaland, gaar ahaan madaxweyne Siciid Deni iyo madaxweyne Axmed Madoobe. Wararka ayaa intaas ku daraya in labada hogaamiye ay dhigehooda uga dhigay shuruudo cadcad si ay uga qeybqaataan wada-hadalada lala leeyahay madaxweynaha federaalka.
Kulanka la filayo in uu berrito dhaco oo noqon doona kii labaad ee rasmiga ah ee dhexmara Madasha Mucaaradka iyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa loo arkaa mid ka mid ah kulamada ugu culus uguna saameynta badan, maadaama la filayo in si toos ah loo galo doodaha qodobbada lagu muransan yahay.
Waxaa sidoo kale la saadaalinayaa in labada dhinac ay soo magacaabaan guddiyo farsamo oo ka shaqeeya turxaan-bixinta iyo diyaarinta nuxurka qodobada laga wada hadlayo. Guddigan ayaa la qorsheynayaa in uu yeesho awood farsamo iyo mid wada-hadal ah, inkastoo mucaaradku ay horay uga biyo diideen in la magacaabo guddi noocaas ah kulankii hore.














