Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ahna Guddoomiyaha sanadlaha ah ee Wasiirrada Gaashaandhigga dalalka xubnaha ka ah Ciidanka Heeganka Afrikada Bari (EASF), ayaa maanta si rasmi ah u furay maalinta shanaad ee Shirka 34-aad ee hay’adaha sare ee EASF, kaas oo ka socda magaalada Muqdisho.
Furitaanka shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay wafdiyo sare oo ka socda dalalka xubnaha ka ah EASF, iyadoo Wasiir Fiqi uu khudbad dhiirrigelin leh ka jeediyay madasha. Wuxuu ku nuuxnuuxsaday sida Soomaaliya ugu faraxsan tahay martigelinta shirkan sanadlaha ah, maadaama ay muujineyso ka go’naanshaha Soomaaliya ee nabadda, xasilloonida iyo horumarka gobolka Afrikada Bari.
Wasiirka Gaashaandhigga ayaa si gaar ah u dul istaagay caqabadaha amni ee ka jira gobolka, oo ay ka mid yihiin:
-
Argagixisada iyo xagjirnimada,
-
Isbeddelka cimilada,
-
Iyo qalalaasaha siyaasadeed.
Wuxuu ku baaqay in dalalka xubnaha ka ah EASF ay mideeyaan dadaalladooda, si wadajir ahna uga hortagaan khataraha amni ee gobolka ka jira.
Intii uu khudbadda jeedinayay, Wasiir Fiqi wuxuu ku ammaanay Xoghaynta EASF iyo dalalka xubnaha ka ah doorka ay ku leeyihiin horumarinta iskaashiga difaaca iyo nabadgelyada gobolka. Waxa uu tilmaamay in qorshayaasha maanta la ansixinayo ay muhiim u yihiin mustaqbalka EASF iyo xoojinta iskaashiga difaac ee gobolka.
Sidoo kale, Wasiir Fiqi wuxuu bogaadiyay dowladaha xubnaha ka ah AUSSOM, kuwaas oo si hagar la’aan ah u garab taagnaa Soomaaliya xilliyadii adkaa ee la soo dhaafay. Wuxuu xusay in dadaalladaasi ay horseedeen guulo muuqda oo dhanka nabadeynta ah, taas oo muujinaysa in iskaashiga joogtada ahi uu keeni karo horumar la taaban karo.














