Magaalada Laascaanood ayaa maanta si rasmi ah uga furmaya wejiga xiga ee Shirka Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo, iyadoo la soo xulay 301 ergo oo matalaya qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo ay ku jiraan dhalinyaro, haween, cuqaal iyo waxgarad.
Ergadan ayaa door muhiim ah ka qaadan doonta dhismaha maamulka cusub, waxaana lagu wado inay qayb ka noqdaan qaabeynta kuraasta maamulka SSC iyo dejinta qaab-dhismeedka guud ee maamulka. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xiisaynaysa in ergadan si toos ah u doortaan maamulka cusub, si loo hubiyo in maamulku noqdo mid ku saleysan matalaad dhab ah iyo wada-tashi ballaaran.
Shirkan ka furmaya Laascaanood ayaa keenaya cadaadis siyaasadeed oo ka imaanaya maamulka Puntland. Wasiirka Caddaaladda Puntland, Maxamed Cabdiwahaab, oo ka hadlay khilaafka ka dhaxeeya Puntland iyo Khaatumo, ayaa shaaciyay in khilaafka ugu weyn uu ka dhashay sheegashada Khaatumo ee deegaanada Sanaag iyo Haylaan, halka markii hore ay ku koobnaayeen Sool iyo Cayn.
“Khaatumo waxaan leenahay, waad ka leexateen go’aankii isimadiina ee Puntland idinkula shaqaysay oo ahaa in aad rabitaankiina u madax-bannaan tihiin oo maamul gaar ah samaysateen, haddana waxaad sheeganaysaan Sanaag iyo Haylaan oo isimadoodu mowqif cad ka qaateen maamulkiina,” ayuu yiri Wasiir Maxamed Cabdiwahaab.














