Hoggaamiyeyaasha wadamada ku mideysan ururka G7 ayaa shir wadatashi ah ku yeeshay magaalada Alberta, iyagoo ka soo saaray war-murtiyeed ay si wadajir ah ugu muujiyeen mowqifkooda ku aaddan xaaladda cakiran ee Bariga Dhexe.
War-murtiyeedka ayaa si cad u muujiyay in:
-
G7 ay ka go’an tahay nabadda iyo xasiloonida Bariga Dhexe.
-
Xaqa Israa’iil ee is-difaaca la taageerayo, iyadoo la xusay in ammaanka Israa’iil yahay mid mudan daryeel gaar ah.
-
Sidoo kale waxaa la carrabaabay muhiimadda ilaalinta dadka rayidka ah ee ku sugan goobaha colaadda.
Iran ayaa lagu tilmaamay isha ugu weyn ee xasilooni darrada gobolka iyo taageerada argagaxisada. Hoggaamiyeyaasha G7 waxay mar kale ku adkaysteen in Iran aysan marnaba yeelan karin hubka Nukliyeerka, iyagoo ugu baaqay xal siyaasadeed oo degdeg ah si loo yareeyo xiisadaha Bariga Dhexe.
War-murtiyeedka ayaa sidoo kale xusay baahida loo qabo xabbad-joojin degdeg ah oo laga hirgeliyo marinka Qasa, si loo badbaadiyo nolosha dadka rayidka ah, loogana fogaado sii hurinta dagaalka.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa si lama filaan ah uga baxay shirka, arrin ay warbaahinta gudaha ku sheegtay inay la xiriirto xiisadda sii kordheysa ee Bariga Dhexe, hase yeeshee illaa hadda lama caddeyn sababta rasmiga ah ee bixitaankiisa degdega ah.
Shirkan G7 ayaa lagu wadaa in uu socdo muddo dhowr maalmood ah, iyadoo la filayo in qodobbo kale oo muhiim ah oo la xiriira dhaqaalaha, isbedelka cimilada, iyo amniga caalamiga ah la isku soo qaado.














