Magaalada Baydhabo ee xarunta ku-meel-gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta lagu furay Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya (Country Humanitarian Forum – CHF 2025), kaas oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA).
Shirkan ayaa diiradda lagu saaray sidii si loo dhan yahay loogu wajahilahaa xaaladaha bani’aadannimo ee dalka, iyadoo la xoojinayo isku-duwidda hawlaha gargaarka, la tacaalidda caqabadaha dhaqaale, iyo kor u qaadidda iskaashiga u dhexeeya hay’adaha gudaha iyo kuwa caalamiga ah.
Ku-simaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed, ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, Cali Saciid Fiqi, oo shirka furay, ayaa ku adkeeyay in Soomaaliya looga baahan yahay inay ka fogaato ku tiirsanaanta gargaarka dibadda, islamarkaana loo jihaysto maalgelinta mashaariic horumarineed oo bulshada ka taageera adkaysiga, sida wax-soo-saarka beeraha. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in nabadda iyo xasilloonidu ay yihiin tiirarka ugu waaweyn ee horumar kasta oo la gaarayo.
Dhankiisa, Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa ka hadlay xaaladda bani’aadannimo ee dalka, isagoo xusay in abaarta ka jirta gobolka Awdal ay saameysay in ka badan 600,000 qof, iyo sidoo kale colaadaha ka jira gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe, iyo Gedo oo sababay barakac baahsan.
Waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay hore ugu dhawaaqday gargaar lacageed oo dhan $500,000, halka maamulka Gobolka Banaadir uu ku daray $200,000, balse wuxuu ku baaqay in la kordhiyo taageerada, gaar ahaan tan ka imanaysa ganacsatada, qurbo-joogta, iyo hay’adaha maxalliga ah.
Guddoomiyaha SoDMA ayaa ku baaqay in la beddelo habka loo wajaho gargaarka bani’aadannimo, si Soomaalidu ay hoggaan ugu noqoto qorshaynta iyo fulinta hawlaha, isla markaana la dhiso hannaan wadashaqayn oo mideysan. Wuxuu sidoo kale sheegay in dhowaan la qaban doono shir kale oo lagu xoojinayo iskaashiga hay’adaha gudaha iyo kuwa caalamiga ah.
Shirka CHF 2025 waxaa ka qeybgalaya wakiillo ka socda dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada, hay’adaha maxalliga ah, kuwa caalamiga ah, iyo daneeyeyaasha kale ee ku hawlan howlaha bani’aadannimada.














