Shirka Midowga Baarlamaanadda Dowladaha Islaamka ee ka socda Dalka Burkina faso ayaa waxaa looga hadley Arimo badan oo quseeya Dalalka Islaamka,
Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay guddoomiyaasha Baarlamaanadda Dowladaha Islaamka,waxaana looga hadlay Arrimaha dalalka Islaamka oo ay Falastiin ugu horeyso,Sidoo kale waxaa Kulanka inta uu socday lasoo jeediyay in la sameeyo Guddi ka shaqeeya Amaanka iyo Aragagixisada,
waxaana ay isku raaceen ka hor inta aan Guddigaas la sameynin qaraar arintaas quseysa laga soo saaro markii shirka soo dhamaaday ka dib waxaa Warbaahinta Qaranka u Xaqiijiyay Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux.
Sidoo kale Guddoomiyaasha Baarlamaanadda Wadamada Islaamka ayaa la kulmay Madaxweynaha Dalkaasi Burkina Faso Roch Marc Christian Kaboré waxayna uga mahad celiyeen marti gelinta dalkiisa ee shirkan sida uu mar kale Warbaahinta Qaranka u sheegay Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka.
Maanta ayaa lagu wadaa In lasoo gaba gabeeyo islamarkaana laga soo saaro war murtiyeed ay ku xusanyihiin qodobada ka qeyb galayaasha ay ku heshiiyaan.































