Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jabriil Cabdirashiid ayaa si rasmi ah u furay shirweynaha lagu falanqeynayo saameynta dhaqaale ee qaab-dhismeedka Dastuurka.
Jibriil Cabdirashiid ayaa furitaanka ka shirkan ka sheegey in ay DF wado sidii lagu dhammeystiri lahaa dustuutka dalka si loo helo dustuur dhammeystiran oo dalka lagu dhaqo waxaana uu sheegey in ay ku dhammeystiri doonaan halka sano ee u harsan xukuumada.
Madasha waxaa sidoo kale ka qeybgalay Wasiirka Dastuurka, Xasan Macallin, Wasiirka Qorsheynta, Maxamuud Cabdiraxmaan Beene Beene, iyo marti sharaf kale.
Shirweynaha Saameynta Dhaqaale ee Qaab-dhismeedka Dastuurka oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, ayaa diiradda lagu saarayaa sida qaab-dhismeedka Dastuurka Federaalka uu u saameyn karo koboca iyo horumarka dhaqaale ee dalka.
Hoos ka dhageyso hadalka wasiirka.














