Shirka Wadajirka Bulshada iyo Ka Hortagga Colaadaha Soo Noqnoqda oo Muqdisho ka furmey.

Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Cabdixakiin Ashkir, ayaa si rasmi ah u furay Shirka Wadajirka Bulshada iyo Ka Hortagga Colaadaha Soo Noqnoqda, oo maanta ka qabsoomay magaalada Muqdisho.

Wasiir Ashkir oo hadal ka jeediyay munaasabadda furitaanka ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay iskaashiga ballaaran ee u dhexeeya bulshada rayidka ah iyo dowladda, isagoo xusay in wadajirka iyo isu-duubnidu ay yihiin furaha lagu baabi’in karo kala qeybsanaanta bulshada. “Waxaan adkaynayaa muhiimada ay leedahay in la helo iskaashi dhab ah oo ka dhaxeeya bulshada rayidka ah iyo dowladda, si wadajir loogu wajaho baabi’inta kala qeybsanaanta bulshada,” ayuu yiri Wasiirka.

Ugu dambayn, Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Gudaha, Cabdixakiin Ashkir, ayaa u mahadceliyay dhammaan ka qaybgalayaasha kulanka oo ka kala socday Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada dalka, Gobolka Banaadir, iyo ururrada bulshada rayidka ah, isagoo rajo ka muujiyay in kulankan uu dhidibada u aasi doono qorshayaal miro dhal ah oo lagu xoojinayo nabadda iyo dib-u-heshiisiinta dalka.