Israel ayaa maalmahan culeys siyaasadeed iyo mid diblomaasiyadeed saareysay shirkadaha diyaaradaha caalamiga ah, si aysan u joojin duulimaadyadooda Tel Aviv, balse shirkadahaasi waxay si cad u diideen inay halis amni gelinayaan rakaabkooda iyo diyaaradahooda. Shirkadaha diyaaradaha ee Yurub, Mareykanka iyo qaar ka mid ah Aasiya ayaa toddobaadkii hore shaaciyay in ay hakad geliyeen safarradii ay ku tegi jireen Israel, kadib markii Xuutiyiinta Yemen ay gantaallo ballaastik ah ku weerareen agagaarka Garoonka Diyaaradaha Ben Gurion.
Afhayeenka Militariga Xuutiyiinta, General Yahya Saree, ayaa si toos ah ugu digay shirkadaha shisheeye, isagoo ku booriyay inaysan isticmaalin hawada Israel, maadaama aanay ammaan ahayn. British Airways ayaa ugu dambeyn Sabtidii sheegtay inay kordhisay hakadka illaa bilowga August, iyadoo shirkado kale oo badan la filayo inay tallaabadaas raacaan.
Israel ayaa dadaal ugu jirta in aysan caalamku arkin in hawadeeda si buuxda loo xiray, balse shirkadaha diyaaradaha ayaa sheegay in aysan u dulqaadan karin khatar cad oo muuqata. Dhaqaale ahaan, tani waa jug kale oo xooggan ku dhacaysa Israel oo horey u lumisay dalxiisayaal badan iyo dakhli ballaaran, tan iyo markii ay billowday duulaanka Gaza. Lama oga tallaabada xigta ee ay Israel qaadi doonto si ay u qanciso shirkadaha diyaaradaha ama ay uga hortagto go’doominta hawada ee Xuutiyiintu sheegteen.













