Siyaasiinta Koonfur Galbeed Oo kulamo wada tashi kawada Muqdisho(SAWIRO)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed laftagareen ayaa Maanta ka qaygalay kulan qado sharaf ah oo uu usameeyay Gudoomiyha Gollaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman kaas oo ay kasoo qayb galeen Gudoomiyaashii hore ee Baarlamaanka Somalia Xildhibaanada labada Aqal iyo xubno katirsan Gollaha Wasiirada Dowlada Federal Soomaaliya .

kulanka ayaa ahaa mid looga hadlayay midnimada iyo wadajirka Reer Koonfur galbeed soomaaliya maadaamaa la isu diyaarinayo in dalka ay ka dhacdo doorashada dalka oo si weyn loowada sugayo,

Madaxweyne Laftagareen ayaa xildhibaanada deegaan doorashadooda tahay koonfur galbeed uga mahadceliya sidey deegaankooda ugu soo shaqeeyeen asaganq ula soo shaqeeyeen,

Maalmihii lasoo dhaafey ayaa waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Dalka ka socdey kulamo ay yeelanayeen siyaasiyiinta Reer koonfur galbeed kuwooda ugu saameynta badan maadaamaa dalka uu Doorasho aadayo Todobaadyada soosocda.