Weerarkii dhawaan kooxda Al-Shabaab ay ku qaaday magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa si ballaaran u gilgilay xukuumadda Federaalka, iyadoo ay ka fal-celiyeen madax hore iyo maamul-goboleedyo dhowr ah oo si kulul u cambaareeyay dhacdadaas, ayna muujiyeen dareen weyn oo ku aaddan dayaca dhanka amniga.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa warsaxaafadeed rasmi ah kasoo saaray weerarkaas, isagoo bogaadiyay naf-hurnimada ciidamada Xoogga Dalka iyo xoogagga deegaanka ee si geesinimo leh u hortagay weerarka. Waxa uu tacsi u diray geesiyaasha ku dhintay, caafimaadna u rajeeyay dhaawacyadii ka dhashay dagaalka.
Shariif Sheekh ayaa si adag u cambaareeyay in Al-Shabaab ay weli awood u leedahay inay dib u qabsato deegaanadii horay looga saaray, gaar ahaan magaalooyin istiraatiji ah sida Maxaas, taasoo uu ku tilmaamay “mas’uuliyad darro culus” oo ka dhalatay howl-gudasho la’aanta dowladda Federaalka. Waxa uu intaa ku daray in weerarro noocan ah ay muujinayaan dayaca amni oo weyn, isagoo dowladda ku eedeeyay inay ka dhega fureysatay talooyin muhiim ah oo looga digay hanjabaadaha Al-Shabaab.
Dhanka kale, Maamulka Puntland ayaa si gaar ah u cambaareeyay weerarkii Maxaas, iyagoo ku tilmaamay “weerar waxuushnimo ah oo si toos ah u beegsanaya shacabka Soomaaliyeed iyo geesiyaasha difaaca dalka”. Puntland ayaa qoraalkeeda ku xustay in ay si qoto dheer uga xun tahay in ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa deegaanka ay ka baxaan magaalada, taasoo fursad siisay Al-Shabaab inay la wareegto gacan ku haynta Maxaas.
Maamulka Puntland waxa uu tacsi u diray ehelada dadkii ku dhintay weerarkaasi, sidoo kalena ammaanay doorka geesinimo ee ay qaateen ciidamada deegaanka, inkasta oo ay ugu dambeyn dib uga gurteen magaalada. Puntland ayaa si gaar ah u muujisay in dagaalka lagula jiro kooxaha xagjirka ah u baahan yahay taageero dhab ah oo ka timaadda beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo sirdoonka.
Puntland waxay si cad u sheegtay in xaaladda amni ee gobollada dhexe ay kasii dareyso, loona baahan yahay qorshe mideysan oo dhexmara dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada, gaar ahaan Galmudug iyo Hirshabeelle. Warsaxaafadeedka ayaa lagu adkeeyay in kooxaha argagixisada meel kasta oo ay joogaan ay khatar weyn ku yihiin dalka iyo dadkaba, isla markaana Dowladda Puntland ay diyaar u tahay in ay door muuqda ka qaadato dadaalka lagu sifeynayo dalka.
Labadan bayaan ee ka kala yimid madax hore iyo maamul goboleed muhim ah waxay si wadajir ah u muujinayaan walaac dhab ah oo ka jira sida dowladda Federaalka u wajahayso dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyagoo u arka in aanay jirin is-waafajin siyaasadeed iyo amni oo lagu xakameeyo weerarada kooxdaasi kusoo celcelinayso deegaannada muhiimka ah. Magaalada Maxaas oo ahayd saldhig istiraatiiji ah oo u dhexeeya ciidamada qalabka sida iyo xoogagga deegaanka Macawiisleyda ayaa muddo dheer laga ilaaliyay Al-Shabaab, taas oo su’aalo badan ka dhalisay sida ay kooxdaasi ugu suurtagashay inay dib u qabsato.















