Guddoomiyaha gobolka Sool ee Somaliland Cabdiqani Maxamuud Jiidhe ayaa sheegay in Maalkntii Shanaad oo xiriir ah ay wadaan musaafurinta dadka aan u dhalay Gobolka Sool ee kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya
Guddoomiyaha oo Warbaahinta kula hadlay laas-Caanood waxaa uu sheegay in dadka ay si nabad ah u musaafuriyeen oo ay ugu celiyeen degaankooda, wuxuuna ugu baaqay Madaxweynaha Koonfur Galbeed in uu la wareego dadkaas.
Isaga oo ka jawaabayay eedeyn uga timid Maamulka Puntland ayuu guddoomiyihi sheegay in Somaliland ay dadka si wanaagsan ula dhaqanto, balse Maamulka Puntland gaar ahaan Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland uu dadka iska dilo sida uu hadalka u dhigay..
Ugu dambeyn Guddoomiyaha Gobolka Sool ee Somaliland waxaa uu sheegay inay jiraan dad badan oo ka falceliyay dadka ay musaafuriyeen oo uu kamid yahay Ra’iisul Wasaare Rooble, waxaana uu sheegay in amniga Somaliland aysan cid marti uga noqoneyn, isla markaana Ra’iisul Wasaaraha ay ilaaliyaan Ciidamo Shisheeye.
Somaliland ayaa waxaa ay weli magaalada laas-caanood ka wadaa raafitaanka dadka kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya, waxaana falkaas ay kala kulmeen dhaleeceeyn xoogan.














