SOMINVEST iyo Danjiraha Sacuudiga oo ka wada hadlay xoojinta maalgashiga Soomaaliya

Agaasimaha Xafiiska Dhiirigelinta Maalgashiga (SOMINVEST) ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamed Dubo, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Danjiraha Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee Soomaaliya, Danjire Ahmed bin Mohammed Al-Mawlid.

Kulanka oo ka dhacay Muqdisho ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka maalgashi ee labada dal, iyadoo la isla meel dhigay qodobo istiraatiiji ah oo lagu horumarinayo iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, fududeynta maalgelinta tooska ah, iyo dhiirrigelinta shirkadaha Sacuudiga ee doonaya inay ka hawlgalaan gudaha Soomaaliya.

Danjire Ahmed bin Mohammed Al-Mawlid ayaa tilmaamay in shirkadaha Sacuudiga ay dan weyn ka leeyihiin suuqyada maalgashiga ee Soomaaliya, isaga oo ku boorriyay in la abuuro hannaan cad oo fududeynaya in shirkadahaas ay si hufan uga faa’iideystaan fursadaha maalgashi ee dalka.

Mudane Maxamed Dubo ayaa dhankiisa xusay in dowladda Federaalka ay dadaal xooggan ku bixineyso casriyeynta nidaamka maalgashiga iyo xoojinta kalsoonida maalgeliyeyaasha caalamiga ah, isagoo ballan qaaday in SOMINVEST ay ka shaqeyn doonto sidii shirkadaha Sacuudiga iyo kuwa maxalliga ah ay u abuuri lahaayeen iskaashi ganacsi oo wax ku ool ah.