Soomaali lagu xiray dalka Masar

In ku dhow 20 tahriibayaal Soomaaliyeed oo dhamaantood dhalinyaro ah ayaa waxaa lagu xiray Xuduuda Masar ay la wadaagto dalka libya,kuwaas oo isku dayay inay si sharc darro ah ku galaan dalkaas.

Tahriibayaasha soomaaliyeed oo gaarayay 19 Ruux ayaa markii hore waxaa ay si sharci darro ah uga tageen dalka suudaan,waxaana iyaga iyo muqalisiin la socotay gacanta ku dhigay Ciidamada ilaalada Xaduudaha ee dalka Masar.

Maxamed Aaadan Gaas oo kamid ah Soomaalida ku nool Masar ayaa sheegay in lagu xiray dhalinayaradaas oo dhamaantood ah rag Sadhiga Ciidamada Amniga ku leeyihiin gobolka Aswaan ee dalkaasi Masar,isla markaana xaaladooda ay tahay mid wanaagsan.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Soomaalida ku nool dalkaasi Masar iyo Safaarada Soomaaliya ee dalkaasi ay ka gaabiyeen inay dadaal ku bixiyaan in dadkaasi la siidaayo.

Labadii sano ee ugu dambeeysay waxaa aad u yaraaday muhaajirinta Soomaaliyeed ee si aad ah u geli jiray dalka Masar,kadib markii dowladda dalkaasi ay joojisay dadka tahriibayasha ah.