Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii gardarrada ahaa ee ay ciidanka maamulka Israa’iil ku qaadeen dalka Qatar, gaar ahaan magaalada caasimadda ah ee Doha. Golaha Wasiirrada ayaa sheegay in falkan uu ahaa mid si weyn u lid ku ah qiyamka bani’aadanimada iyo xeerarka caalamiga ah, ayna tahay arrin u baahan in si degdeg ah looga jawaabo.
Goluhu waxa uu muujiyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si buuxda u garab taagan tahay dowladda iyo shacabka walaalaha ah ee Qatar. Sidoo kale, waxay dowladda Soomaaliya si cad oo aan mugdi ku jirin u diiddan tahay dhammaan noocyada gardarrada, xadgudubyada iyo weerarrada ba’an ee ka hor imaanaya xeerarka iyo axdiyada caalamiga ah ee ay beesha caalamku ku heshiisay.
Intii uu socday fadhiga Golaha Wasiirrada oo uu guddoominaayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, waxaa sidoo kale lagu ansixiyey Sharciga Baarista iyo Ilaalinta Hilibka. Sharcigan muhiimka ah waxaa Golaha hor keenay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna si rasmi ah u nidaamin doonaa habraacyada la xiriira fayo-dhawrka hilibka, badbaadadiisa caafimaad iyo tayadiisa suuq-geyn.
Sharcigan ayaa la filayaa in uu door muuqda ka ciyaaro horumarinta nidaamka hilibka ee dalka, taasoo wax weyn ka tari doonta sugnaanta cunnada iyo horumarinta caafimaadka guud ee bulshada Soomaaliyeed.














