Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Abdisalam Abdi Ali, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay magaalada Baku ee dalka Azerbaijan, halkaas oo uu kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Azerbaijan, Jeyhun Bayramov, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Azerbaijan.
Kulankan oo ahaa mid heer sare ah ayaa diiradda lagu saaray sidii loo horumarin lahaa xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashi dhinacyo badan leh, iyadoo wasiiraddu ay isla qaateen inay sii xoojiyaan wada shaqaynta ku aaddan arrimaha gobolka iyo hay’adaha caalamiga ah sida Qaramada Midoobay, Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) iyo Dhaqdhaqaaqa Dalalka aan Isku Xidhnayn.
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Azerbaijan ayaa lagu sheegay in labada wasiir ay ka wada hadleen arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin horumarka gobolka iyo fursadaha iskaashiga mustaqbalka.
Kulankani wuxuu muujinayaa kororka xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya Baku iyo Muqdisho, iyadoo labada dal ay ka shaqeynayaan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga caalamiga ah.
Ma jiraan heshiisyo ama dukumiintiyo si rasmi ah loo shaaciyey intii lagu guda jiray kulanka, balse labada dhinac waxay tilmaameen in wadahadalku ahaa mid miro dhal ah oo mustaqbal wanaagsan leh.













