Wasiirka arrimaha dibedda Cuba Bruno Rodriguez ayaa uga mahadceliyey dhiggiisa Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad dadaalka ay dowladdiisu ugu jirto dammaanad-qaadka soo celinta laba dhakhtar ee u dhashay Cuba oo in ka badan sannad ka hor laga afduubay Kenya.
Waxaa uu sidoo kale caddeeyay sida Cuba ay u dooneyso inay xoojiso xiriirka labada dal.
Dhakhaatiirtan Cuba ayaa la afduubay 12-kii Abriil, 2019 iyagoo ka shaqeynayay Kenya, tan iyo xilligaas dowladda Cuba waxay xiriir joogto ah la lahayd Kenya iyo Soomaaliya si dhaqaatiirtaasi loo soo badbaadiyo.














