Iyadoo la xoojinayo xiriirka taariikhiga ah ee walaaltinimo, iskaashi iyo derisnimo ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa maanta magaalada Jabuuti si rasmi ah loogu kala saxiixday Heshiiska Xaaladda Ciidamada (Status of Forces Agreement – SoFA).
Heshiiskan muhiimka ah ayaa saldhig u noqonaya kordhinta ciidamada Jabuuti ee ku sugan gudaha Soomaaliya, si ay gacan uga geystaan dadaallada socda ee nabadeynta iyo xasillinta dalka. Waxaa heshiiska kala saxiixday Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, iyo Ku-simaha Wasiirka Gaashaandhigga Jabuuti, Mudane Cali Xasan Bahdoon, iyadoo ay goob-joog ahaayeen mas’uuliyiin sare oo ka kala socday labada dowladood.
Qodobada heshiiska ayaa si cad u qeexaya waajibaadka iyo xuquuqaha ciidamada Jabuuti ee ku sugan Soomaaliya, habraaca howlgalka, iyo heerarka iskaashiga milatari ee labada dhinac. Waxa kale oo heshiiska lagu saleeyay mabaadi’da iyo hannaanka iskaashi ee ay horey labada dal ugu heshiiyeen, iyada oo lagu dhisayo ruuxda wadashaqeynta, ixtiraamka midba midka kale, iyo danta guud ee gobolka.
Is-afgaradkan wuxuu caddeyn buuxda u yahay sida Jamhuuriyadda Jabuuti uga go’an tahay taageerada nabadda, amniga, iyo dib-u-dhiska Soomaaliya. Waxa uu sidoo kale ka tarjumayaa aragti guud oo labada dal ka mideysan yihiin – taasoo ah dhismaha bulsho degan, dowladnimo xooggan, iyo xasillooni waarta oo ka hanaqaada Geeska Afrika.
Munaasabadda saxiixa heshiiska ayaa ku qabsoontay jawi rasmi ah oo ay ka muuqatay kalgacayl, kalsooni iyo walaaltinimo dhab ah, taasoo markale adkaysay xiriirka qotada dheer ee u dhexeeya labada dal ee Soomaaliyeed ee taariikhda, dhaqanka, iyo damiirka ku mideysan.















