Soomaaliya iyo Koonfur Afrika oo Wada Hadal Ku Saabsan Xoojinta Iskaashiga Diblomaasiyadeed iyo Dhaqaale

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa kulan muhiim ah magaalada Pretoria kula yeeshay dhiggiisa, Wasiirka Xiriirka Caalamiga iyo Iskaashiga ee Jamhuuriyadda Koonfur Afrika, Mudane Ronald Ozzy Lamola. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal, iyo ballaarinta dhinacyada iskaashiga ee dhinacyada siyaasadda, ganacsiga, socdaalka iyo amniga.

Labada wasiir ayaa si qoto dheer uga wada hadlay sidii loo dardar gelin lahaa wadashaqeynta labada dowladood, iyagoo isla meel dhigay muhiimadda ay leedahay isku-duwidda iyo wadatashiga arrimaha fagaarayaasha caalamiga ah, si loo helo mowqifyo mideysan oo u adeegaya danaha guud ee labada dal.

Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay diyaarinta heshiisyo is-afgarad oo labada dal ay qorsheynayaan inay saxiixaan, kuwaas oo ay kamid tahay heshiis lagu dhaafayo shuruudaha dal-ku-galka baasaboorrada diblomaasiga iyo shaqaalaha labada dal — tallaabo lagu horumarinayo isu socodka diblomaasiyiinta iyo saraakiisha dowladda.

Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray:

  • Fududeynta isu socodka dadka labada dal

  • Dib u furista safaaradda Koonfur Afrika ay horey ugu laheyd magaalada Muqdisho

  • Xoojinta iskaashiga ganacsiga, maalgeshiga iyo amniga

Wasiir Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa uga mahadceliyay dowladda Koonfur Afrika martigelinta jaaliyadda Soomaaliyeed ee aadka u weyn ee dalkaas ku dhaqan, kuwaas oo door firfircoon ka qaata dhaqaalaha iyo ganacsiga gudaha. Wuxuu xusay in xiriirka labada dal uu yahay mid ku dhisan saaxiibtinimo taariikhi ah, lagana dhaxlay wada taagnaanshihii Soomaaliya ee halgankii xornimo doonka Koonfur Afrika.

Dhankiisa, Wasiirka Koonfur Afrika, Ronald Lamola, ayaa ku celiyay sida ay dowladdiisu uga go’an tahay taageerada buuxda ee ay siineyso midnimada, madaxbannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya. Wuxuu ballanqaaday in Koonfur Afrika ay sii xoojin doonto iskaashiga kala dhaxeeya Soomaaliya, iyada oo diiradda la saarayo hindiseyaal wax ku ool ah oo labada shacabba dan u ah.

Soomaaliya iyo Koonfur Afrika ayaa leh xiriir saaxiibtinimo qoto dheer oo soo jireen ah, iyadoo Koonfur Afrika ay si weyn uga mahadcelisay taageeradii ay Soomaaliya siisay intii uu socday halgankii ay uga soo horjeedeen nidaamkii midab-takoorka (Apartheid).