Soomaaliya iyo Sweden oo danahooda ka wada hadley.

Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ayaa xafiiskiisa ku qaabbilay Safiirka Boqortooyada Sweden ee Soomaaliya, Mudane Joachim Waern.

Mas’uuliyiintan ayaa waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo ballaarinta dhinacyada iskaashi wadaagga.

Kulanka ayaa diirradda lagu saaray waxyaabaha mudnaanta wadaagga ah leh oo ay ku jirto iskaashiga istiraatiijiyadeed iyo iskuduwidda dhinacyada badan, iyadoo labada dhinac ay caddeeyeen mar kale ka go’naanshaha wada hadal mug weyn iyo sii ambaqaadidda dedaallada lagu taageerayo nabadda, xasilloonida iyo horumarka.