Soomaaliya iyo Turkiga oo heshiis gaarey.

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulkadir Maxamed Nuur, ayaa sheegay in maanta si rasmi ah loo soo gaba-gabeeyay saxiixidda heshiis is-afgarad oo dhexmaray Wasaaradda Gaadiidka iyo Kaabayaasha Dhaqaale ee Jamhuuriyadda Türkiye iyo wasaaradaha u xilsaaran gaadiidka iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee dalalka Afrika ee leh xeebaha.

Heshiiskan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinaca gaadiidka, kor u qaadista isku xirka ganacsiga, kobcinta wax-soo-saarka, iyo dhiirrigelinta dhaqaalaha guud ahaan gobolka.

“Tallaabadan waxay muhiim u tahay mideynta dalalka Afrika ee leh xeebaha istiraatiijiga ah iyo Türkiye, si loo dhiso mustaqbal dhaqaale oo xooggan loona horumariyo kaabayaasha isku xirka,” ayuu yiri Wasiirka.

Wasiir Cabdulkadir ayaa sheegay in heshiiskan uu qeyb ka yahay istaraatiijiyadda dowladda Federaalka ee ku aaddan kobcinta kaabeyaasha, isagoo hoosta ka xariiqay in dowladda ka go’an tahay horumarinta dekedaha Soomaaliyeed oo ah il dhaqaale oo muhiim u ah dalka, si loo gaaro isku filnaansho waara loona abuuro fursado shaqo iyo horumar dhaqaale.