Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, iyo dhiggiisa Jamhuuriyadda Turkiga, Mudane Yaşar Güler, ayaa maanta magaalada Istanbul si rasmi ah ugu kala saxiixday heshiis dib-u-habeyn iyo wax-ka-beddel ku ah habraaca fulinta ee kaalmada maaliyadeed ee labada dal ay kala saxiixdeen 17-kii Luulyo 2019.
Heshiiskan cusub ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan dhinacyada difaaca, horumarinta tayada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), iyo dadaallada ku aaddan tababarada, qalabeynta iyo dhismaha awood ciidan oo sugan.
Wasiir Axmed Fiqi oo ka hadlay muhiimadda heshiiskan ayaa tilmaamay in dib-u-eegidda iyo saxiixa heshiiskan ay caddeyneyso sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay in si mas’uuliyad leh uga faa’iideysato taageerada ay ka helayso Turkiga, si loo dhiso ciidan qaran oo tayo leh oo difaaci kara dalkiisa.
“Heshiiskan waxa uu muujinayaa sii xoogeynta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashi ee noo dhexeeya Turkiga, waxaana rajeyneynaa in uu horseedo horumar ballaaran oo ku yimaada awoodda ciidan ee dalka,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.
Turkiga ayaa kamid ah dalalka sida joogtada ah u taageera Soomaaliya, gaar ahaan dhanka amniga iyo difaaca, iyada oo dekedda Muqdisho iyo xarunta tababarka ee TurkSom ay noqdeen tiir-dhexaad u ah tababarka iyo dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.














