Soomaaliya iyo Uk Oo kawada hadlay Arrimaha doorashada Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud , ayaa ku qaabilay Magaalada Muqdisho, Safiirka Boqortooyada Midowday (UK) ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Kate Foster, isagoo kala hadlay xiriirka saaxiibtinimo ee taariikhiga ah ee labada dal u dhexeeya iyo habka iskaashiga labo geesoodka iyo siyaabaha looga horumarin karo dhinacyo kala duwan.

Intii kulanka lagu gudo jiray ayaa waxaa lagu falanqeeyay dhowr arrimood oo siyaasadda iyo amni la xiriiray, sidoo kale waxaa la looga wada hadlay xaaladaha gobolka iyo kuwa caalamiga ee labada dhinac wada danaynayeen.

Sidoo kale wararka kulanka laga helay ayaa sheegay in labada mas’uul ay ka wada hadleen arrimaha doorashada Soomaaliya iyo sidii dalka uga dhici laheyd doorasho loo wada dhan yahay.

Dowladda Ingiriiska ayaa kamid ah dowladaha taageera Soomaaliya, waxaana ay ka caawisaa dhinacyada Amniga dhaqaalaha iyo Arrimo kale oo ay kamid tahay qabsoomida howlaha doorashooyinka dalka.