Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Yemen, Mudane Mustafa Axmed Nucmaan, xilli ay ku sugan yihiin magaalada Dooxa ee dalka Qatar, halkaas oo uu ka socdo Shirka heer Wasiir ee Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labo geesoodka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Yemen, iyo sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinacyada amniga, siyaasadda, iyo horumarka, iyadoo labada wasiir ay muujiyeen rabitaankooda ku aaddan in la xoojiyo wada shaqeynta iyo wax wada qabsiga labada dowladood ee walaalaha ah.
Wasiir Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa bogaadiyay xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Yemen, isagoo caddeeyay in Dowladda Federaalka ay si buuxda u garab taagan tahay Yemen, gaar ahaan dadaallada lagu xoojinayo midnimada, amniga, iyo nabadda dalkaasi. Wuxuu hoosta ka xariiqay in xasilloonida Yemen ay muhiim u tahay guud ahaan gobolka, isla markaana ay Soomaaliya taageereyso dadaalka caalamiga ah ee lagu doonayo in xal waara loogu helo dhibaatooyinka Yemen ka taagan.
Dhankiisa, Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Yemen, Mudane Mustafa Axmed Nucmaan, ayaa si qoto dheer uga hadlay xiriirka taariikhiga ah iyo midka istiraatiijiga ah ee labada dal, isagoo ballanqaaday in dowladda Yemen ay sii xoojin doonto taageerada ay siiso Soomaaliya. Wuxuu xusay in Yemen ay mar walba garab taagan tahay madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, ayna diyaar u tahay in la shaqeyso dowladda Soomaaliya si loo xaqiijiyo amni iyo horumar waara.
Labada dhinac ayaa isla gartay in la xoojiyo isku xirnaanta iyo wada shaqeynta joogtada ah, si looga hortago caqabadaha iyo khataraha ku wajahan xasilloonida, amniga, iyo danaha guud ee labada dal. Kulankan ayaa lagu tilmaamay mid dhisaya kalsooni iyo iskaashi la taaban karo oo u gogol xaaraya xiriir dhow oo dhexmara Soomaaliya iyo Yemen.














