Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerarkii ay Iran ku qaaday saldhigga ciidamada Mareykanka ee Al Udeid, oo ku yaalla dalka Qatar. Weerarkan ayaa sababay walaac weyn oo caalami ah, iyadoo loo arko mid khatar gelinaya xasilloonida gobolka.
War-saxaafadeed rasmi ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in weerarkaasi yahay gardarro ka dhan ah dowlad madax-bannaan, isla markaana uu muujinayo xadgudub ku saabsan xeerarka caalamiga ah. Dowladda Soomaaliya waxay cambaareyn xooggan u jeedisay Iran.
Soomaaliya ayaa sheegtay inay garab taagan tahay dowladda Qatar, ayna si buuxda u taageerayso dadaallada lagu ilaalinayo amniga iyo madax-bannaanida waddankaasi. Waxaa sidoo kale dowladda Soomaaliya ay ugu baaqday beesha caalamka in si mideysan looga hortago tallaabooyinka halista ah ee wax u dhimaya nabadda.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa ku boorisay dhammaan dhinacyada inay muujiyaan is-xakameyn, isla markaana ay ka fogaadaan fal kasta oo horseedi kara dagaal cusub. Dowladda Soomaaliya waxay xustay in nabad iyo wada noolaansho la gaari karo keliya haddii la ixtiraamo madax-bannaanida dowladaha.
Cambaarayntan ayaa ah mid muujinaysa mowqifka rasmiga ah ee Soomaaliya ee ku aaddan ilaalinta xasilloonida gobolka iyo ilaalinta xeerarka caalamiga ah. Waxaa la filayaa in mowqifkani uu noqdo mid sii kobciya xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Qatar.













