Soomaaliya oo halis ugu jirta in mar kale hubka laga cunaqabateeyo.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa qaaday cunaqabateentii hubka ee saarneyd Soomaaliya tan iyo 1992, taas oo dowladda Federaalka siisay fursad ay si toos ah uga soo dhoofsan karto hub iyo saanad milatari si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta Al-Shabaab. Si kastaba, tillaabadan ayaa dhalisay walaac ku saabsan cidda gacanta u gasha hubkaas iyo sida loo maareyn doono.

Markabka Sea World ee Puntland qabatay
Horraantii bishan, ciidamada badda Puntland ayaa gacanta ku dhigay markab lagu magacaabo Sea World oo ku xirtay xeebta Bareeda ee gobolka Bari. Markabkan oo ka yimid Turkiga ayaa la sheegay inuu siday gaadiid dagaal, hub culus iyo qalab milatari oo u socday magaalada Muqdisho, gaar ahaan xerada milatariga Turkiga ee Turksom.
Maamulka Puntland ayaa sheegay inay baarayaan hubkaas, hase yeeshee ilaa hadda dowladda Federaalka kama aysan hadlin arrintan, taas oo sii xoojisay walaac ku saabsan isku xirnaanta dowlad-goboleedyada iyo dowladda dhexe.

Dhacdo kale oo hub sharci-darro ah Caabudwaaq
Dhacdadii labaad waxay ka dhacday magaalada Caabudwaaq ee bartamaha Soomaaliya, halkaas oo dad deegaanka ah ay qabteen laba gaari oo siday hub culus oo aan si rasmi ah loo shaacin cidda iska leh. War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Amniga Galmudug 16-ka July 2024 ayaa lagu sheegay in hubkaasi uu si sharci darro ah uga soo gudbay xuduudda Itoobiya, iyadoo la doonayay in gudaha dalka si qarsoodi ah loogu gudbiyo. Muuqaalo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujiyay dad shacab ah oo gacanta ku haya hubkaas, taas oo walaac sii kordhisay.

Maxay tahay saameynta ka dhalan karta hubkan?
Falanqeeyayaasha ayaa tilmaamaya in hubka gacanta u gala cid aan dowladda dhexe ahayn uu keeni karo khatar amni iyo mid siyaasadeed, iyadoo caalamku uu arki karo in nidaamka xakameynta hubka ee Soomaaliya uusan wali si buuxda u shaqeyn.
Waxaa jira culeysyo ka imaanaya dowlad-goboleedyada iyo maleeshiyaadka deegaanka, kuwaas oo mararka qaar awood ballaaran ku leh deegaanada hubka lagu qabto, halka dowladda Federaalka aysan si buuxda uga talin.

Beesha Caalamka oo taageero siisa dowladda Soomaaliya ayaa weli ka walaacsan in hubkan cusubi uu galo gacmo aan loo meel dayin, taas oo caqabad ku noqon karta dadaallada lagu doonayo in lagu sugo amniga iyo xasiloonida dalka.

Su’aalaha taagan
Falanqeeyayaashu waxay ku boorinayaan dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada in ay sameeyaan hannaan mideysan oo hubka loo maareeyo, iyadoo la hubinayo in hub walba uu gaaro ciidan dowladeed oo sharci ah, si looga fogaado khilaaf siyaasadeed iyo amni darro.