Soomaaliya oo heshiis la gaartey Serbia

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Isniin ah kulan muhiim ah kula yeeshay magaalada New York ee dalka Mareykanka, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Serbia, Mudane Marko Đurić, xilli uu magaaladaasi ka socdo fadhiga guud ee 80-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay (UN General Assembly).

Kulanka labada mas’uul ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Serbia, iyadoo la iska xog-waraystay arrimo dhowr ah oo la xiriira iskaashiga diblomaasiyadeed, xiriirka taariikhiga ah ee labada dal, iyo fursadaha cusub ee iskaashi ee la horumarin karo.

Intii uu socday kulanka, labada wasiir waxay si rasmi ah u kala saxiixdeen heshiis is-afgarad (Memorandum of Understanding) oo dhexmaray Machadka Daraasaadka Diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya iyo Akadeemiyadda Diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Serbia.

Heshiiskan ayaa ujeeddadiisu tahay in la adkeeyo lana horumariyo iskaashi dhow oo ku saleysan tababbarro diblomaasiyadeed, aqoon-is-weydaarsi, cilmi baaris, iyo barnaamijyo kor loogu qaadayo xirfadaha diblomaasiyiinta labada dal. Waxaa sidoo kale heshiisku saldhig u noqon doonaa dhisidda kartida hay’adaha diblomaasiyadeed ee Soomaaliya, iyadoo la kaashanayo waayo-aragnimada iyo aqoonta ay leedahay Serbia.

Kulankan iyo saxiixa heshiiskan ayaa muujinaya sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in ay xoojiso xiriirka caalamiga ah, isla markaana ay horumariso xirfadaha diblomaasiyiinta Soomaaliyeed, taas oo muhiim u ah matalaadda dalka iyo horumarinta danaha qaranka ee heer caalami.