Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, Mudane Maxamed Aadan Macallim (Soomaali), ayaa maanta magaalada Muqdisho kula saxiixday Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP) heshiis Is-afgarad (MoU) ah oo lagu xoojinayo isbeddelka dhijitaalka ah ee Soomaaliya.
Munaasabadda lagu saxiixayay heshiiskan ayaa ka dhacday xarunta Wasaaradda, waxaana goob joog ka ahaa masuuliyiin heer sare ah oo ka kala socday labada dhinac, oo uu ka mid ahaa Mr. Lionel Laurens – Wakiilka Joogtada ah ee UNDP ee Soomaaliya, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, iyo Agaasimeyaasha Waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda.
Mr. Lionel Laurens ayaa tilmaamay sida UNDP uga go’an tahay in ay sii wado taageerada ay siiso Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, oo uu ku sheegay inay tahay hay’adda hormuudka u ah dijitlaaynta adeegyada dowladda iyo dhisidda dowlad casri ah.
Dhankiisa, Wasiir Maxamed Aadan Macallim (Soomaali) ayaa ku qeexay heshiiskan tallaabo istiraatiiji ah oo lagu dardargelinayo qorshaha Soomaaliya ee horumarinta adeegyada dijitaalka ah, isaga oo xusay in is-afgaradkan uu ka tarjumayo aragtida dowladda ee ku wajahan Soomaaliya horumarsan oo dhijitaal ah.
Wasiirku waxa uu uga mahadceliyay UNDP iyo Xafiiska Isu-duwaha Qaramada Midoobay taageeradooda joogtada ah ee ku aaddan dowlad-dhiska casriga ah, horumarinta teknoolojiyadda iyo adeegyada bulshada, isagoo sheegay in iskaashigan uu muhiim u yahay kor u qaadista adeegyada dijitaalka ah, daahfurnaanta, iyo hal-abuurka tiknoolajiga ee Soomaaliya.














