Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Drs. Maryama Maxamed Xuseen, ayaa ka qeyb gashay shir heer caalami ah oo diiradda lagu saarayay sidii kor loogu qaadi lahaa helitaanka daawooyin tayo leh, waxtar leh, oo la awoodi karo si loola tacaalo xanuunnada aan faafin (Non-Communicable Diseases – NCDs).
Shirkan oo ay kasoo qayb galeen mas’uuliyiin caafimaad, khubaro caalami ah iyo wakiillo ka socday hay’ado caafimaad oo caalami ah, ayaa looga dooday caqabadaha hortaagan helitaanka daawooyin nolosha badbaadiya, gaar ahaan dalalka dakhligoodu hooseeyo sida Soomaaliya.
Drs. Maryama Maxamed Xuseen ayaa madasha ka jeedisay khudbad muhiim ah, iyadoo iftiimisay:
-
Sida dowladda Soomaaliya ay uga go’an tahay horumarinta adeegyada caafimaadka, gaar ahaan la tacaalidda cudurrada sida macaan, dhiig karka, xanuunnada wadnaha, iyo kansarka.
-
Baahida weyn ee jirta ee loo qabo taageero farsamo iyo dhaqaale, si loo xaqiijiyo in daawooyinka muhiimka ah ay gaaraan dhammaan dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.
-
Fursadaha lagu horumarin karo iskaashiga caalamiga ah iyo habka loo wajahi karo xal waara oo ku saabsan waxsoosaarka, tayada iyo helitaanka daawooyinka.
Shirkan wuxuu ahaa fursad muhiim ah oo Soomaaliya ay uga faa’iidaysatay xoojinta xiriirka kala dhexeeya hay’adaha caafimaadka caalamiga ah, iyo in la helo taageero istaraatiijiyadeed oo lagu horumarinayo caafimaadka bulshada, si gaar ah xagga xakameynta iyo daaweynta cudurrada aan la is qaadsiin.
Ka qeybgalka Soomaaliya ee shirkan waxa uu muujinayaa go’aanka adag ee dowladda ee ku aaddan ilaalinta caafimaadka shacabka iyo kor u qaadidda la-hawlgalka caalamiga ah ee lagula tacaalayo xanuunnada dilaaga ah ee si tartiib ah u saameeya bulshada.














