Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-udhiska iyo Guriyeynta, Mudane Saciid Maxamed Maxamuud-Xeyd, ayaa hoggaaminaya wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka qeybgalaya Shirka Sanadlaha 44-aad ee Guriyeynta Afrika (44th Annual General Meeting of Shelter Afrique), kaas oo si rasmi ah uga furmay magaalada Algiers, ee caasimadda dalka Algeria.
Wafdiga Wasiir Xeyd ayaa shirkan ku metelaya Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Wasaaradda Hawlaha Guud, iyagoo ka qeybqaadanaya wada-tashiyada istiraatiijiga ah ee lagu gorfeynayo ajandayaasha muhiimka ah ee khuseeya horumarinta kaabayaasha dhismaha iyo guriyeynta qaaradda Afrika.
Shirkan oo socon doona muddo dhowr maalmood ah, ayaa diiradda lagu saaraya sidii loo yareyn lahaa ku tiirsanaanta qalabka dhismaha ee laga keeno dibadda si loo xoojiyo wax-soo-saarka gudaha, loona abuuro fursado dhaqaale oo waara. Sidoo kale, waxaa lagu falanqeyn doonaa hannaanka iskaashi ballaaran oo lagu hirgelinayo mashaariicda guriyeynta ee lagu qorsheeyay in laga fuliyo dalalka Afrika, oo Soomaaliya ay ka mid tahay, shan sano ee soo socota.
Kulanka ayaa lagu wadaa inuu noqdo mid muhiim u ah Soomaaliya, maadaama uu ka tarjumayo dadaalka dowladda ee ku wajahan dibu-dhiska dalka, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, iyo yareynta baahida guriyeynta ee ka jirta magaalooyinka waaweyn.














