Shirka cimilada adduunka oo ka socda magaalada Glasgow ee Scotland, UK ayaa lagu tilmaamay shirkii ugu muhiimsanaa ee looga hadlo isbadalka cimilada ilaa 2015 markaas oo la yagleelay madashan.
Madax badan oo Adduunka ayaa ka qeyb galaya shirkan oo diirada lagu saarayo wax ka qabashada uumiga iyo kuleylka Dunida oo kordhay, taas oo sababtay aafooyin dhanka deegaanka iyo nolosha ah.
Madaxweynaha Mareykanka Biden oo shirka ka hadlay ayaa raali galin ka bixiyay in maamulkii ka horeeyay ee Trump ay ka baxaan madasha cimilada aduunka.














