Soomaaliya oo ka tacsiyadeysay shilkii diyaaradeed ee India ka dhacay

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Hindiya, kaddib shilkii naxdinta lahaa ee ku dhacay diyaaraddii xamuulka ahayd ee Air India, taasoo wax yar kadib markii ay ka duushay magaalada Ahmedabad ay burburtay, ayna ku dhinteen dad badan.

Dowladda Soomaaliya waxay si gaar ah uga tacsiyeynaysaa qoysaska ay masiibadani si toos ah u saameysay, iyada oo la murugaysan dhammaan ehelada iyo qaraabada ay dadkoodu ku waayeen shilkaasi.

“Waxaan aad uga tiiraanyeysanahay khasaaraha naf iyo maal ee ka dhashay shilkan foosha xun. Murugada waxaan la qaybsanaynaa dowladda iyo shacabka Hindiya, anagoo garab iyo gaashaan u ah saaxiibbadeen waqtigan adag,” ayaa lagu yiri warka tacsida ee ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya.