Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa si weyn u xoojiyay iskaashigooda istaraatijiyadeed kaddib ansixinta heshiis amni oo labada dal ay gaareen kaasoo xoogga lagu saaraayo la dagaallanka argagixisada iyo xog wadaagga sirdoonka labada dal.
Heshiiskan, oo si rasmi ah ay u ansixiyeen Golaha Wasiirrada Sacuudiga 21-kii bishan, wuxuu astaan u yahay horumarka weyn ee uu keeney xiriirka labada, wuxuuna qeyb ka yahay hindisaha fog ee aragtida Vision 2030, oo boqortooyada ay ku dooneyso inay ku ballaariso saameynteeda gobolka iyo xoojinta xasilloonida gobolada dhibaatooyinka ay aafeeyeen ee Bariga Dhexe iyo Geeska Afrika.
Heshiiska oo markii hore lagu kala saxiixday magaalada Jeddah bishii Febraayo sanadkii hore, ayaa dhigaya hannaan rasmi ah oo iskaashi oo dhex mara Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya (NISA) iyo Hay’adda Amniga Boqortooyada Sacuudiga. Wuxuu muujinayaa ballanqaad labada dhinac ah oo ku aaddan la dagaallanka argagixisada iyo joojinta maalgelinta kooxaha xagjirka ah ee ka hawlgala Geeska Afrika.
Heshiiska waxaa mar kale la xaqiijiyay intii lagu guda jiray kulan dhowaan ku dhex maray Muqdisho Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre iyo Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya Axmed Bin Maxamed Al-Mawlid. Labada masuul ayaa si wadajir ah u muujiyay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarinta dhaqaalaha, gargaarka bani’aadannimo iyo dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha.
Ra’iisul Wasaare Xamza e ayaa u mahadceliyay dowladda Riyadh taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan meelaha dib-u-dhiska u baahan. Dhankiisa, Safiir Al-Mawlid ayaa adkeeyay in Boqortooyadu ay ka go’an tahay xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya — arrintaas oo la jaanqaadaysa aragtida 2030 oo diiradda saareysa iskaashi goboleed iyo kala-duwanaanta ilaha dhaqaalaha.
Marka laga soo tago dhinaca amniga, xiriirka labada dal ayaa ku fidaya dhinacyada shaqo-abuurka iyo wada-shaqaynta maaliyadeed. Dhammaadkii 2024, labada dal waxay kala saxiixdeen heshiis shaqo oo fududeynaya in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay shaqo ka helaan gudaha Sacuudi Carabiya.
Boqortooyadu sidoo kale waxay door muhiim ah ka ciyaartay dadaalladii keenay cafinta daynta Soomaaliya, iyadoo bishii Juun 2024 la gaaray heshiis lagu fududeeyay Sanduuqa OPEC, taas oo si weyn u taageertay dhaqaalaha Soomaaliya xilli uu wajahayay culaysyo xagga miisaaniyadda ah.
Arrimahan ayaa muujinaya xiriir laba geesood ah oo sii qotomaaya, kuna dhisan dan guud iyo aragti la wadaago oo ku wajahan xasilloonida iyo horumarka gobolka.
Xilli xiriirka Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya uu sii xoogeysanayo, waxaa si lamid ah u liicaya xiriirkii kala dhexeeyay Imaaraadka Carabta. Xasaradahaasi waxay kor aadeen kaddib weerar sababey dhimashada afar sarkaal oo darajo sare leh oo Imaaraadka ka joogey Soomaaliya weerarkaas oo ka dhacay xerada General Gordan ayaa dhacay bishii Febraayo 2024.
Inkasta oo Imaaraadku weerarka ku tilmaamay musiibo murugo leh, haddana si degdeg ah ayuu u hakiyay dhammaan taageeradii ciidan iyo dhaqaale ee uu siinayay Soomaaliya. Tallaabadan waxaa loo arkay in ay calaamad u tahay hoos u dhac rasmi ah oo ku yimid xiriirka labada dhinac, inkasta oo uu jirey heshiis iskaashi difaac oo labada dhinac ay kala saxiixdeen.
Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeysey wwearakaasi waxaana ay beddeshay mas’uuliyiin sare oo amniga dalka u xilsaarnaa, haddana waxay diiday dalabyo dheeraad ah oo Imaaraadku la yimid kuwaas oo warar rasmi ah ay sheegeen inay ku jireen in xilka laga qaado Ra’isulwasaaraha dalka iyo madax kale, haddana Villa Somalia oo dalabyada qaar fulisey ayaa si cad uga biya diiday in ay si buuxda uga dhabeyso dalabyada Dubai, iyadoo arrinta u aragtay mid faragelin ku ah madax-bannaanida siyaasadeed ee dalka.
Dowladda Soomaaliya waxay sidoo kale ku baaqday in Imaaraadku joojiyo taageerada uu siiyo madaxda maamul goboleedyada qaar kuwaas oo dowladda dhexe ay u aragto in loo adeegsanayo saameynta siyaasadeed ee Imaaraadka ku leeyahay dalka.
Hadda meelmarinta heshiiska amni ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa muujinaysa in Muqdisho ay si cad ugu wareegtey dhanka Riyadh, xilli loollanka siyaasadeed ee gobolka uu sare u kacayo. Inkasta oo Imaaraadku weli raadinayo saameyn siyaasadeed oo kale, haddana qaabka Sacuudiga ee ku saleysan hay’adaha rasmiga ah, maalgelinta tooska ah, iyo iskaashi waara ayaa u muuqda mid si weyn uga helaya garab iyo taageero gudaha Soomaaliya.














