Soomaaliya oo kala dooratey Imaaraadka iyo Sacuudi Carabiya.

Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa si weyn u xoojiyay iskaashigooda istaraatijiyadeed kaddib ansixinta heshiis amni oo labada dal ay gaareen kaasoo xoogga lagu saaraayo la dagaallanka argagixisada iyo xog wadaagga sirdoonka labada dal.

Heshiiskan, oo si rasmi ah ay u ansixiyeen Golaha Wasiirrada Sacuudiga 21-kii bishan, wuxuu astaan u yahay horumarka weyn ee uu keeney xiriirka labada, wuxuuna qeyb ka yahay hindisaha fog ee aragtida Vision 2030, oo boqortooyada ay ku dooneyso inay ku ballaariso saameynteeda gobolka iyo xoojinta xasilloonida gobolada dhibaatooyinka ay aafeeyeen ee Bariga Dhexe iyo Geeska Afrika.

Heshiiska oo markii hore lagu kala saxiixday magaalada Jeddah bishii Febraayo sanadkii hore, ayaa dhigaya hannaan rasmi ah oo iskaashi oo dhex mara Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya (NISA) iyo Hay’adda Amniga Boqortooyada Sacuudiga. Wuxuu muujinayaa ballanqaad labada dhinac ah oo ku aaddan la dagaallanka argagixisada iyo joojinta maalgelinta kooxaha xagjirka ah ee ka hawlgala Geeska Afrika.