Soomaaliya oo ku baaqday in wadahadal lagu xalliyo colaadda Itoobiya

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo jeedisay in wadahadal lagu daayo colaadda ka aloosan gudaha waddanka Itoobiya, taas oo u dhaxeeysa Ciidamada Federaalka Itoobiya & Kooxda TPLF.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa sheegay in markasta oo ay dhibaato ka dhacdo dal ka tirsan Geeska Afrika ay saamayn ku keeni karto, sidaas daraadeedna dhibaato ka dhacda gobolka aanay u wanaagsanayn.

Wasiirka oo la hadlay BBC-DA waxaa sidoo kale uu sheegay inay walwal ka qabaan in colaada Itoobiya ay xoogeysato, isla markaana qowmiyadaha kala duwan ee dalkaas ay Soomaaliya u soo barakacaan.

Colaada ka aloosan waddanka Itoobiya ayaa maalinba maalinta ka dambeeysa sii xoogsaneysa, iyada oo inta badan magaalooyinka kuyaal Waqooyiga Itoobiya ay la wareegeen maleeshiyaadka Kooxfa TPLF.