Soomaaliya oo Walaac ka Muujisay in maalgelin Loo waayo Howlgalka AUSSOM.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markale cusboonaysiisay baaqeeda ku aaddan kordhinta taageerada beesha caalamka ee howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), iyadoo dalbatay maalgelin joogto ah oo lagu xoojiyo dadaallada nabad ilaalinta iyo xasillinta dalka.

Baaqaasi waxaa Khamiistii jeediyay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), xilli uu socday kulan heer wasiir ah oo dhanka fogaan aragga ah ay yeesheen xubnaha Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (PSC). Kulanka ayaa si gaar ah diiradda u saarayay xaaladda ammaan ee Soomaaliya iyo doorka howlgalka cusub ee AUSSOM.

Tacsi iyo Qaddarin loogu muujiyay ciidamada Uganda

Wasiir Cali Balcad ayaa hadalkiisa ku bilaabay tacsi uu u diray dowladda Uganda, qoysaskii askarta geeriyootay, iyo howlgalka AUSSOM, kadib shil naxdin leh oo 2-dii July 2025 ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo sababay dhimashada shan askari oo ka tirsanaa ciidamada nabad ilaalinta Uganda.

Wuxuu muujiyay sida ay Soomaaliya uga xuntahay dhacdadaas, isaga oo tilmaamay in naf-hurnimada ciidamada nabad ilaalinta ay tahay mid lagu ilaaliyo nolosha shacabka Soomaaliyeed iyo xasilloonida guud ee dalka.

Aqoonsi la siiyay doorka AUSSOM

Wasiir Cali Balcad wuxuu caddeeyay in taageerada ay Soomaaliya ka heshay saaxiibada Afrikaanka ah — gaar ahaan dhinacyada milatari, amni iyo horumar — ay door muuqda ka qaadatay:

  • Dib u xoreynta dhulalka gacanta ugu jiray kooxaha xagjirka ah

  • Soo celinta adeegyada bulshada ee asaasiga ah

  • Dib u dhiska hay’adaha dowladeed ee muhiimka u ah dowladnimada Soomaaliya

Isagoo xusay in howlgalka AUSSOM si rasmi ah u bilowday 1-da Luulyo 2025, isla markaana lagu saleeyay habraacyo cusub oo u ogolaanaya Soomaaliya inay hesho ilaa 11,911 askari, ayuu sheegay in howlgalka AUSSOM uu hadda yahay “ajandaha amniga qaranka Soomaaliya.”

Wuxuu tilmaamay in hawlgalka AUSSOM uu mudnaanta siinayo:

  • Ilaalinta dadka rayidka ah

  • Sugidda kaabeyaasha dhaqaalaha

  • Taageeridda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya si ay u wajahan khataraha ka imaanaya kooxaha argagixisada

Baaq ku saabsan shir maalgelineed

Si loo xaqiijiyo sii jiritaanka iyo waxqabadka howlgalka AUSSOM, Wasiir Cali Balcad wuxuu si cad ugu baaqay in la qabto Shirweyne Maalgelineed oo caalami ah oo loogu talagalay howlgalka AUSSOM. Wuxuu soo jeediyay in mid ka mid ah wadamada Khaliijka Carabta uu martigeliyo shirkan, si loo helo taageero dhaqaale oo joogto ah oo lagu xoojinayo hawlgalka.